Dhulgariirkii Ugu Horeeyey Oo Ka dhacay Meel Ka Baxsan Dhulka.

La Wadaag Asxaabtaada

Saynisyahanada ayaa sheegay in dhawaan ay dareemeen dhulgariir cabirkiisa yaryahay oo ka dhacay oogada sare ee meeraha Mars.

Xaqiiqonews-Xiddigsika

Saynisyahan Philippe Lunion ayaa yiri “waa arin xiiso leh, hadii aan helnay waxyaabo caddeyn u noqon kara in dhaqaaqyo dhulgariir ay ka dhacaan oogada Mars”.

Waxa uu intaasi ku daray “Dhulgariirkani waxa aaan sugeynay muddo bilo ah”.

Cilmi baarayaasha ayaa ka shaqeynaya sidii ay ogaan lahaayeen waxyaabihii keenay dhulgariirkii ka dhacay Mars, 6-da bishii April, waxaa kale oo baarayaasha ay doonayaan in ay xaqiijiyeen , waxa dhacay ee qalabka soo sheegay in uu ahaa dhulgariir rasmi ah, ama dhaqaaq kale oo ay sababeen dabeylo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada