Dhulka Oo Laga Yaabo In Uu Iskala Gediyo !

Badka Birlabta dhulka ayaa ku sii socoto in ay noqoto mid awood yar, arintan ayaana socotay muddo 1,000-kii sano ee ugu dambeysay.

Xaqiiqonews.com-Saynis

Badka birlabta(Megnetic Feild) dhulka ayaa  naga ilaalisa in ay na gediyaan dabeelaha , sidoo kale Badkani Birlabeedka ah ayaa dhulka ka ilaaliya Shucaaca(Radiation).

Hase ahaate wararkii ugu dambeeyey ayaa faafinaya in uu sii taagtareynayo Badkan, arinkaasi oo laga yaabo in uu dhulka ku keeno is daba-gedin.

“Waxaa heynaa caddeymo sheegaya in isbadalkan ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta badweynta Atlantikada, arintan ayaana naga caawineysa in aan wax badan ka ogaano  isbadalka socda ee Badka birlabta dhulka”  Tardono  ayaa sidaasi sheegay.

Awood yareynta dhulka ee xagga is badalka badka birlabta(Magnetic Feild) ayaa waxaa sabababihiisa ka mid ah -sida la sheegay0o- dhagaxyada badan ee ku jira gudaha qaaradda Afrika.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA