Saraakiisha Ruushka ayaa qolka caafimaadka u taxaabay diblomaasi shiineys ah , arinkaasi oo ay ku micneeyeen in uu ka dhiganyahay ka hortagidda fiditaanka cudurka Karoona Fayrus.
Xaqiiiqonews-Wararka dibadda
Sida laga soo xigtay wakaaladda Raashiyaanka ee Interfax news agency, wakaaladaasi ayaa ku warantay in qunsul shiineys oo lagu magacaabo Tsui Shaochu loo soo magacaabay jago cusub deegaanka buuraleyda Ural, balse Saraakiisha ruushka ayaa qunsulka ku wargeliyey in uusan gurigiisa ka bixin karin muddo 2 todobaad ah.
Sidoo Kale Aqri..Bukaan Qaba Karoona Fayrus Oo Aargudasho Darteed Dad Qaadsiiyey
Guud ahaan dadka u dhintay cudurka Karoon Fayrus ayaa hadda lagu sheegayaa in sii cag cageyneyso 900 oo qofood.