Diego Maradona Oo Ku Geeriyooday Tigre!!

-

Ciwaanka hore ee wararka waxaa qabsaday geerida dag daga ah ee ku timid laaciibkii reer Arjentina Diego Maradona, oo galabnimadii arbacada wadna xanuun u dhintay isaga oo jira da’da 60 sano


XAQIIQO NEWS- CIYAARAHA

Diego Maradona xiddiga xidigyada, lajanadigii reer Arjentina ayaa dhintay isaga oo jira da’da 60 sano, ka dib wadno xanuun haleelay.

Xiddigan ayaa beryihii dambe “bukaan jiif” ku ahaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre ee ka tirsan dalka Argentina.

Tababarahii xulka Gimnasia, waxaa la dhigay isbitaalka horaantii bishan Nofeembar ka dib cudurro nafsi ah iyo daal uu ka cawday.

Maradona , ayaa isbitaal dib looga soo saaray, isaga oo lagu baaninaayey gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre.

Xulka qaranka Argentina ayaa boggooda Tuwiterka ku xaqiijiyey dhimashada Maradoona, iyaga oo ka tacsiyeey geerida mid ka mid laacabiintii loogu jeclaa wiilasha xulka qaranka Argentina.

Maradoona ayaa qeyb libaax leh ku lahaa, guushii labaad ee xulka Argentina uu hanto koob adduunka sanadkii 1986-kii, waxa uuna kabtan u ahaa xulka oo finalka ka adkaaday xulkii Jarmaalkii galbeed.

Waxaa uu dhaliyey 5 gool isaga oo noqday ninkii labaad oo u gool badnaa waxa uuna ku xigsaday  Gary Lineker-kii ingiriiska oo gool dhalinta hogaanka u haayey, labada nin ayaana markii dambe ku kulmay ciyaartii afar dhammaadka, ciyaartaasi oo noqotay tii ugu xamaasadda iyo muranka badneyd ee soo marta taariikh Koobka aduunka 90-kii sano ee uu jiray.

Maradoona ayaa xulkiisa ka caawiyey in mar labaad ay si xariir ah u soo gaaran finalkii koobka aduunka afar sano ka dib, markaasi oo ciyaartii finalka lagu jebiyey, guushiina ay raacday xulkii Jarmalka galbeed

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...