Digniin ! Dadka Isticmaala “Face App” Halis Ayaad ku Jirtaan..Waa Tan Sababta

La Wadaag Asxaabtaada

Dad badan oo itsicmaala Facebook ayaa baryahan dambe caado ka dhigtay isticmaalka ablikeeshinka wajiga duq-duqa ka dhigga ee “Face App”,Khubaradase digniin ayey jeedinayaan.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Sida Xaqiiqonews ay soo tarjuntay, website-ka “ABC” ayaa sheegay in cillada ugu badan ee lagu qabo ablikeeshinka—Sida ablikeeshinada badankood—ay tahay waxa lagu sameyn karo macluumaadkii aad bixisay.

Dadka qaar oo si cunsrinimo ah u taageersan Ablikeeshinka ayaa sheega in hal arin oo uu ku fiican yahay ablikeeshinkani in ay tahay in sawirka uu ka dhigo mid cadaan ah oo qurux badan, taasi oo dadka qaarkoodna ay u arkaan arin looga cad goosanaayo gibilka Midibka leh.

Sidoo Kale Aqriso: facebook ayaa isticmaalaya tiknoolajiyada israel sidee laguu-jaasuusi-kartaa-iska ogow

Madax ka tirsan waaxda ilaalinta macluumaadka qofka ee Australia ayaa yiri sidan “Ablikeeshinkani waxaa uu weydiiyaa adeegsadaha, macluumaad iyo xogo badan oo la buuxinaayo, taasi oo aan u qalmin shaqada fudud ee abkani dadka u qabto”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada