Digniin..Dawo Caan Ah Oo Wadna Xanuun Keenta

-

Daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyey ayaa waxa ay sheegeysaa in xanuun baa b’iyaha loo yaqaan  Paracetamol Effervescent uu siyaadiyo qatarta wadna xanuunka hadii qofka uu ka isticmaalo xadi badan.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Daraasadda waxa adkeysay in cudurada la xariira wadnaha ay wili yihiin sababaha koowaad ee dhimashada adduunka oo dhan, maalaayiin qof ayaana cuduradan u dhinta sanad walbo.

Daraasaddan oo lagu daabacay “European Journal of the Heart” waxa ay leedahay xanuun baa bi’yaha Paracetamol Effervescent waa mid ka mid ah waxyaabaha sababa xanuunada wadnaha waxaana daawadani loo arkaa halis madaama laga heli kari farmashiyaasha iyo super market-yada.

Daraasadda waxa ay farta ku fiiqtay maadada ‘cusubada’ ee ku jirta daawada taasi oo keeni karta cudurada wadnaha la xariira, gaar ahaan maadada Soodiyum oo loo isticmaalo dawooyinka si ay dhiigga ugu milmaan.

Wasaaradda caafimaadka Biritan waxa ay ku talisay in dadka waaweyn aysan cunin oo wax ka badan 2.4 garaam oo Soodiyum ah maalintii, maxaa yeelay cunista badan ee cusbada ama Soodiyumka waa qatar ka mid ah sababayaasha xanuunada wadnaha.

Marka arintaasi laga soo tago, baarayaal ka socday jaamacadda Central South ee ku taal shiinaha waxa ay soo ogaadeen in Barastamoolka leh cusubada Soodiyum uu siyaadiyo halista qofka uu ugu jiro cudurada la xariira wadnaha.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...