Diyaaradaha Drones-ka Mareykanka ayaa gantaal culeyskiisu yahay 49kg ku duqeeyey xafiiska idaacadda al-furqaan taasi oo ka howlgasha deegaanada ay Al-shabaab maamulaan.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
War saxaafadeed ay soo saareen maamulka idaacadda Ayey ku faafaahiyeen khasaaraha iyo sida ay waxa u dhaceen.
Sida ay ku xuseen war saxaafadeedka, weerarkani cirka ah ayaa noqonaya kii seddexaad oo noociis ah oo si toos ah loola beegsada xarun ay degan tahay idaacadda.
Bishii Agoosto 2019, xarunta idaacadda ee Kuunyo Barrow gobolka Shabeelaha ayaa la kulantay weerar xagga cirka ah, sidoo kale 10 maalin ka hor weerarkani 24-tii Diseembar 2020 diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyey xaruntii idaacadda ay ku laheyd degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Sidoo kale Aqri:Daawo Muuqaal Duqeyntii Jilib.. Arag Sida Ay Wax u Dhaceen
Idaacadda Al-furqaan waxaa la asaasay 2009, inkastoo idaacadda ay sheegato in ay tahay mid madax banaan haddana waxaa lagu xagliyaa in ay Al-shabaab la shaqeyso, idaacadda ayaa iminka ka howlgasha oo kaliya deegaanada ay Al-shabaab maamulaan.
Maraykanka ilaa hadda kama hadlin duqeynta iyo ujeedka laga lahaa, hase ahaatee maamulka idaacadda ayaa weerarkani ku sifeeyey mid lagu aamusinaayo “runta”.
Webseetka radioalfurqaan ayaa baahiyey sawirrada khasaaraha xarunta gaartay, waxaana sawirka lagu dhax arkayaa madaxa qalfoofbir ah oo ah gantaalkii duqeynta loo adeegsaday.
qalfoofka gantaalka ayaa waxaa ku qoran digniin tilmaameyso in gantaalkan si loo qaado loo baahan yahay 2 qof, madaama uu aad u culus yahay, noocan gantaalkan ayaa ah kan ugu badan Mareykanka uu ku isticmaalo gudaha Soomaaliya.





