DIL noociisa oo kale kii ugu horreeyey oo ka dhacay xaafad ka tirsan muqdisho #faafaahin

La Wadaag Asxaabtaada

Xaafadda buulo gaaljecel ee degmada xamar jajab waxaa ka dhacay dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray Nuur cali isxaaq.
ninkan la dilay ayaa ahaa nin aan wax badan laga aqoon shaqadiisa. balse dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ninka la dilay u ahaa shaqi caadi ah.
Ilaa hadda ma jirta cid sheegatay mas,uuliyadda dilkan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa oo ka dhaca xaafadda buulo gaaljecel ee degmada xamar jajab.
ragga dilka geystay oo bostoolado ku hubeysnaa ayaa gudaha u galay guriga ninka la dilay isla markaana halkaasi ku qaarijyey
“waxa ay aheyd fiifkii caawo markii aan aan maqalnay rasaas ka dib waxaa noola sheegay in la dilay nuur cali naxdin ayaa nala soo deristay wax yar ka dib goobta ayaan gaarnay wlh ma aqaan qaab aan wax kugu sheego dhiig ayaa wadada daadsanaa ” ayey tiri haweeney dadka deegaanka oo xaqiiqonews ay la xariirtay
waxaa maanta ilaa caawa ka dhacay muqdisho dilal kala gooni gooni ah taasi oo caddeyneysa amni darrada magaalada oo sii baaheysa

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada