Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

-

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo Al-shabaab soo tuureen uu 3 caruur ah oo isla dhalatay ku dilay magaalada Baladweyn.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Dadka dhintay waxaa ka mid ah wiil iyo gabar isla dhashay kuwaasi oo askarta dowladda ay ku toogteen isgoyska dabka oo ah goob 1km wax ka yar u jirta xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dhacdo taasi la mid ah rasaas ay fureen askar ka tirsan isla Df-ka ayaa sababtay dhimashada Mahad C/raxmaan Megaag.

Dilalka rayidka ma ahan oo mid ku kooban Muqdisho oo kaliya, wararka ka imaanaya Baladweyne ayaa sheegaya in gantaal hoobiye ah uu haleelay guri ay daganaayeen qoys, waxaana halkaasi ku dhintay 3 caruur ah iyada oo uu dhaawac gaaray tiro kale oo caruurta ka mid ah.

Labo ka mid ah Caruurta Baladweyne ku geeriyootay ee hoobiyaha gurigooda ugu tagay

Dhacdo arintaasi xiriir la leh: Sarkaal u hadlay booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in la soo qabtay eedeysanayaasha loo heysto dilka rayidka.

Hooyada dhashay Zakriye iyo Sowdo oo ahaa walaalo kuwaasi oo askarta dowladda ay toogteen iyaga oo bajaaj saaran iskgoyska dabka ayaa sheegtay in aysan fileynin cadaalad ay hesho, madaama dadkii iyada ka horeeyey ay cadaalad waayeen-sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan askarta dowladda ayaa si aan loo meel dayin rasaas ugu isticmaala waddooyinka saxmadda ah iyo goobaha ka agdhow xarumaha ciidanka arintaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac tiro ka beel ah oo gaaray dadka rayidka ah, iyadoo intaasi ay dheertahay nidaamka isla xisaabtanka iyo laamaha cadaaladda dowladda oo ah kuwa liita ama aan jirinba.

Bishii tagtay ee Nofeembar rasaas uu furay askari dowladda ka tirsan ayaa sababtay dhimashada Hani Abdikaadir oo xiligaasi ka yimid iskool uu dhiganaayey.

Sawirka ardayka hani Abdikaadir oo ay dileen ciidamada dowladda

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...