Dilkan Ka dib Somalia Ma waxa ay Ku biiri doontaa Boqortooyada Keynta?#dhacdo Xanuun leh

-

Aroornimadii saakay ayaa waxaa lagu waa bariistey Haweeney Meyd ah oo lasoo dhigay meel aan wax badan u jirin Masaajidka Sheekh Cali Maye ee magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.Haweeneydan oo markii hore warar kala duwan ay kasoo baxaayeen dilkeeda ayaa hada waxa la helay faafaahin ku saabsan qaabka dilkeeda uu u dhacay, iyadoo la sheegay in qaab naxriis dara ah lagula dhaqmay inta aan la dilin ka hor.

Sida ay xaqiijiyeen dad arkay Meydka Gabadha, waxa jirkeeda ka muuqda Kufsi si’naxriis dara ah loogu geystey iyadoo qeybaha jirkeeda hoose ay ka muuqdaan Nabaro, waxaana markaas ka dib lagu dhuftey dhowr xabadood oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xamsita Aweyn Cali ayaa sida wararka aan ku heleyno xalay fiidkii laga afduubtey meel ku dhow halka ay fadhiyaan Mooryaanta ee jooga magaalafa Marka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...