Diyaarad drone ah oo somalia Lagu sameeyey tii ugu horeeysay(First somalian homemade drone)

-

Diyaaradaha yar yar ee loo yaqaano drones-ka ayaa ah waxyaabaha biiba tan loogu isticmaalka badanyahay qarnigan 21-aad ee maanta aynu joogno balse marka ay sheegadu timaato wadamada afrika iyo kuwa carabta ama guud ahaan wadamada la isku yiraahdo dunida seddexaaad malahan shacbiyada badan diyaaradahani.

Injineer somali ah ayaa dhawaan iqtiraacay diyaarad yar oo drone ah gaar ahaan nooca sahlan ee lagu magacaabo Quadcopter isagoo isticmaalay qalabka diyaaradaha caruurta yar yar iyo waxyaabo si fudud guriga loogu heli karo.

Ka dib Qaladaad badan(crashes) ayaa waxa uu suurta gashay wiilkani injineerka ah in uu kiciyo diyaarad yar oo ka sameysan qalab sahlan oo guriga laga heli karo waxaana diyaaradani yar ay kor u kici kartaa ilaa 300 feet waxaana la xakumi karaa fogaan dhan ugu badnaan 1km.

Ka dib kulan hoose oo dhaxmaray injineerka iyo website-ka baahiya wararka Qarsoon iyo tiknoolijyadda ee xaqiiqonews waxa uu injineerkani ku qancay in uu bulshada la wadaago iqtiraaciisa cusub si arintaasi ay u dhacda waxa ay xaqiiqonews sameyn doontaa barnaamijyo taxano ah oo aan ku soo gudbin doona min bilow ilaa dhamaad qaabkii injineerkani uu sameeyey diyaaradda iyadoo muuqaal iyo qoraal isku jiro.

hadaba aqriste sheekadani ama ahan kaftan iyo mala awaal hana u qadaan war iska dheh ah si aad u ogaato xaqiiqda sheekadani fadlan isha ku haay website-ka xaqiiqonews maalmaha soo socda ayaana marqaati kugu filnaan doona

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...