Diyaarad Kenyan Ah Oo Lagu Soo Riday Somalia..Xogtii U Dambeysay

-

Diyaarad rakaab oo ay laheyd shirkadda African express ee fadhigeedu yahay Nayroobi ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhacday meel u dhaw deegaanka Bardaale ka dib markii la tootgay.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Diyaaradda ayaa qalab caafimaad u sidday magaalada baydhaba, waxa ayna ka soo ambabaxday magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ay wadeen labo duuliyaal oo Kenyan ah , ayaa waxaa dadka saarnaa ka mid ahaa labo qof oo soomaali ah, iyo labo qof kale oo ilaa hadda aan la shaacin dhalashadooda.

Ilo xog agaal ah ayaa sheegaya in diyaaraddu lagu soo riday gantaal ku shaqeeyo awoodda rocket-ka, waxaana loo badinayaa in diyaaraddu ay soo rideen ciidanka Itoobiya ee degan Bardaale.

Diyaaradda oo ay lahaayeen ganacsato Somali Kenyan ah, ayaa la sheegay in ay shixnad caafimaad u qaaday magaalada Baydhabo

Ururka Alshabaab oo si kooban uga hadlay dhacdada ayaa sheegay in gantaalku ay rideen ciidanka Itoobiya.


Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda nooceedu ahaa Fokher 50, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Df-ka, kuna aadan dhacdadan ugubka ah.

sawir goobta ay diyaaradda ku burburtay
Sawirka burburka diyaaradda

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...