Musalsalka Ramadaankan ka baxa shaashadda MBC ee Sacuudiyaanka, ayaa dhaliyey mowjado dood ah ka dib markii lagu xumeeyey rasuulka SCW.
Xaqiiqonews-Wararka dibadda
Musalsalka ayaa dood dhaliyey ka dib markii uu ka soo muuqday mid ka mid jilayaasha o ku jilaaya in uu yahay sarkaal yahuudi ah, kaasi oo sheegay in yahuudda la dulmiyey dagaalkii Kheybar, isagoo nabiga si cad ugu eedeeyey in uu dulmiyey “yahuudii Kheybar”.
Sidoo Kale Aqri..Imaamkii Hore ee Xaramka..Nabi Muxamed SCW waxaa uu Soo dhaweeyey Fanaaniin
Dad isticmaala baraha bulshada oo aad uga xanaaqay in lagu eedeeyo nabiga dulmi, ayaa tilifishinka MBC ku tilmaamay kanaal ku qancay xumeynta nabiga si uu u raali geliyo yahuudda.