Dood Wili Taagan Yaa Caqli Badan Ragga Iyo Dumarka?#Dhanka Waxbarashada

-

 2006-dii Daraasad ayaa markii ugu horreysay muujisay in nimanku ka caqli badanyihiin  dumarka, taasina waxay kor u qaaday doodda ka taagan  mawduucan, waxeyna daraasadaasi albaabka u furtay dood wali taagan.

Aragtida kowaad ee aadanaha ma aheyn sidaasi, waa kan aqoonyahan  Rushton waxa uu leeyahay   “100 sano ka hor ayey kulan ay yeesheen dadka bartay  cilmi-nafsiga, waxey isku raaceen in jinsigu uu saameyn ku laheyn Caqliga qofka.”  laakiin daraasado  dhawaan la sameeyey ayaa  dib u furay  dooda kiiskan,ka dib  markii ay caddeeyeen in maskaxda ragga ay ka weyntahay tan  haweenka qiyaas dhan  100 g.

Si loo go’aamiyo sax ahaanshaha  ama khaladaadka daraasaddan, Rushton iyo saaxiibkiisa Douglas Jackson- ayaa sameeyey imtixaan waxbarasheed oo tijaabo ah  oo laga  qaaday rag iyo dumarka da’doodu u dhaxayso 17 iyo 18 sano jir.

Sabaha G

Sababaha G: waa sababo caqliyeed gaar ah, oo lagu qiyaaso inta qofka uu la tacaamuli karo shay, hadaba markii la diraaseeyey sababahan G si guud imtixaankii la qaaday, waxaa soo baxday  in ragga ka sare mareen haweenka qiyaas dhan 3.6 darajo oo ah cabirka maskaxda ee IQ-da, arinkaasi oo Rushton u ogaalatay in uu iclaamiyo go,aan ah in ragga ay leeyihiin maskax ka sareeysa tan dumarka, taasi oo ka caawineysa in xaliyaan dhibaatooyin si ka fiican xalka dumarka.

 Waxyaabaha Lagu dhaliilay Daraasaddan.

Aqoonyahanka ku takhasusay cilmu-nafsiga barana ka ah Koleejka William and Marry ninka lagu magacaabo Brucke Bracken ayaa waxa uu leeyahay “waan ku raacsanahay guud ahaan Farqiga uu sheegay Rushton ee ragga iyo dumarka u dhaxeeya, balse maa aaminsani  xujooyinka uu soo qaatay Rushton, waxa uu soo qaatay hal sababo oo kaliya isagoo iska ilooway sababayaasha kale ee caqliga”

Waxaa uu leeyahy Brucke “tusaale ahaan ragga ay soo wajahdo mushkiladaha waxbarasho, qaar yar oo kaliya ayaa sameeya badal fiican, balse ragga oo dhan ma ahan, waase ku raacsanahay si ka duwan ragga, dumarka badankood waxa ay isku dhiibaan waaqica mana lahan xal kale.”

Doodan waa mid taagan wili, inkastoo la helay natiijooyin hor u dhac ah, hase yeeshee Rushton waxa uu ka tagay albaab u furan ra,yi walbo oo ka duwan kiisa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...