XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka looga war sugaayo ee xilka madaxtinimada Soomaaliya, sida ku cad jadwal ay soo saareen guddiga baarlamaanka ee qaabilsan doorashada madaxweynaha.
DHAMMAADKIISA: Inta la socota wararka doorashooyinka waxa ay ka warqabaan in guddiga baarlamaanka uu ansixiyey islamarkaana uu sharci ka dhigay xildhibaanadii Ceel Waaq, taasi oo ka dhigan in la qaaday isbaaradii ugu dambeysay ee kooxda NABAD IYO NOLOL ku horgudbisay doorashooyinka.
Sidoo kale guddiga doorashada ee Baarlamaanka oo dhaqan gelinaya jadwalkooda waxa gelinkii hore ee Axadda oo ku beegan 8-da May ay bilaabeen bixinta shahaadada musharaxtinimada madaxweyne.
Iyada oo doorashada ay ka harsantahay todobaad kaliya waxaa isa soo taraya dhawaaqa dadka wiliba iyaga oo cod dheer ku dalbanaya in uu dhaca “isbadal”. Khubarrada ayaa aaminsan in waxa ugu muhiimsan ee laga filanaayo doorashada 15-ka May ay tahay in uu dhaco “Isbadal”.
Isbadalka socda waxa nal cagaaran u daaray isbadalkii hogaanka Baarlamaanka, kolkaasi oo wareegiii labaad ahaana wareegii u dambeeyey ay xildhibaanada qaadeen ololihii “Washamsi”, isla arintaasi oo la fili karo in ay dhacdo 15-ka May.
Laakiin isbadalka la sugaayo kama dhigno in qolo ama koox gaar ah ay gaarto hadafkeeda boqolkiiba boqol, arintaasi hadii ay koox mucaaradka ka mid ah isku daydo noqoneysa mid hor-istaagta isbadalkii la filaayey.