Doorashada 2021.. Su’aalaha Ugu Muhiimsan iyo Jawaabaha

La Wadaag Asxaabtaada

Todobaadyadii ugu dambeeyey arinta loogu hadal heyska badnaa gudaha Soomaaliya waa “muranka doorashooyinka”, halkani waxa aan idinku soo gudbineynaa su’aalaha ugu muhiimsan ee u baahan in aan ka ogaano doorashooyinka Soomaaliya iyo jawaabahooda.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Yaa Hortaagan In Ay doorasho Waqtigeedu ku Dhacdo?

Jawaab: Su’aashan jawaabteedu waxa ay ku xirnaan doonta hadba qofka aad weydiiso, tusaale hadii su’aashaan aan hordhigno CC warsame shaki ma lahan Farmaajo ayuu eedda saaraya, halka M. Maxamed Cabdulaahi Farmaajana uu farta ku taagaya mucaaradka.

Aniga waxa aan isticmaali lahaa “buraash weyn”, eedda waxaa leh “madaxda Soomaaliya” muxaafad iyo mucaarad, dabcan waana sida uu noo arkaayo qofka dusha sare naga taagan, tusaale fiican waxaa noo ah qaabka warbaahinta dunida uga hadleyso dhacdada.

Hadii ay kula tahay in eedda dib u dhigista doorashada uu yahay mas’uuliyad qof gaar ah uu leeyahay hurdaayow toos , si kasta oo aan iskugu tuur tuurno, xaqiiqada lama dhaafaanka ah sidan.

Maxaa Hadda Socda?

Jawaab: Waxaan maqalnay in uu jiray shir loogu baaqay in labada dhinac iskugu yimaadaan kaasi oo lagu waday in uu dhaco 15 Feb, balse baaqday.

Sidoo kale musharixiinta ku midoobay “midowga musharaxiinta” ayaa ku baaqaya dibadbaxyo, intaasi waxaa barbar socda beesha ugu laandeersan waxaan ula jeeda beesha caalamka,ayaa labada dhinac ku cadaadinaya in ay isku yimaadaan.

Baydhaba waxaa ka socda shirka ay yeelanayaan gudi loogu magac daray gudiga farsamada, indhaha ayaana lagu haayaa waxa ka soo bixi kara shirkaasi

Xaalka Faraha Ma ka Bixi Karaa?

Dadka aan ogeyn…Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo shisheeye iyo hay’ado ajaanib ah kuwaasi oo qaabilsan dhinaca ammaanka, mucaarad iyo muxaafad toona awood umalahan in ay ku dagalaamaan meel ka baxsan “baraha bulshada”.

Arinta ugu xun ee dhalan karta hadii doorashada xal laga gaari waayo waxa ay tahay in Soomaaliya ay weyso sharciyadda yar ee beryahan ay ku taaqeysay, waxaana dhici karo in dib loo soo dhiso dowlad midnimo qaran oo labada dhinac ka kooban iwm, kuwaasi oo ku shaqeyn doono xaalad ka liidata tan hadda ay ku hoos shaqeeyaan madaxda Soomaalida.

Muxuu Yahay Doorka Maamul Goboleedyada?

Maamula goboleedyada oo iyaga qeyb weyn ka ah doorashada ayaa intooda badan ah kuwa taageersan in doorasho la qabto, marka laga reebo labada maamul ee budooda gooniga u tumantahay.

Puntland waa in ay ogaataa in ay tahay qeyb ka mid ah Federaalka Soomaaliya ee aysan aheyn Imaarat ka tirsan carabta midowday, si la mid ahna waa in Jubbaland aysan u dhaqmin sida counti Kenya ka mid ah.

Waxaan aaminsanahay maamul goboleedyada in ay yihiin “halkii ay sartu ka qurantay” waxaa kale oo aan rumeysanahy in ay noqon karaan “Sirta heshiiska”.

Ma Dhici Karaan Wax Aan La Fileynin?

Wax waliba oo aan halkani ku qoray waa saadaal cilmiyeysan ma ahan xaqiiq sugan, sidaa darteed waan ku qasbnahay in aan daaqad u furno “ixtimaal kale oo walba”.

Waqtiga ayaana u deynayaa si noogu soo bandhigo wax badan oo naga qarsoon.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada