Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay magacyada musharaxiinta doorashada guddoonka Baarlamaanka oo ay ansixiyeen araajidooda.
Liiska Musharixiinta oo u badan rag ayaa waxaa ku jira labo haween ah oo kaliya kuwaasoo ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan 4 musharax oo kal ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig,Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,Cabdifitax Maxamed Geesey Iyo idiris Cabdi Dhakhtar.
Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka ayaa waxaa isu soo sharaxay lix xildhibaan oo kala ah; Jeylaani Nuur Iikar,Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey,Khaalid Macow Cabdqaadir,Saciid Maxamed Cilmi,Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Faarax Sheekh Cabdqaadir.
Musharixiinta ugu badan ayaa waxaa ay ku tartami doonaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka waxaana gudbiyay codsiyadooda 12 musharax oo kala ah; C/dir Shiikh Cali Baqdaadi, Mahad Cabdalla Cawad, Burhaan Aden Cumar, Cabdulahi Xusen Cali, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Xuseen Cabdi Cilmi, Cabdulahi Godax Barre, Jamaal Xasan Ismacil, Cabdullahi Cusman Ducaale, Cilmi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Aden Ibrahim iyo Maryan Axmed Harun.
Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in ay u tartamaan doorashada guddoonka baarlamaanka iyadoo 11ka bishan aynu ku jirno ay bilaaban doonto doorashada;
Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed,