Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland kadib doorasho ka dhacday Magaalada Garowe,sidoo kale Axmed Karaash ayaa loo caleymo saaray M.Ku Xigeenka.
Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha.
Inta ugu badan wararkii laga qoray doorashada Puntland ayaa xoogga saaray guusha cusub ee Deni, taasi oo meesha ka saartay arin muhiim oo quseysaysa doorashada Puntland, waana “In loo tacsiyeeyoC/Wali Gaas”.
“Wariyaasha Xaqiiqonews oo kaashanaya Mouse-ka iyo Keyboard-ka waxa ay tacsi hawada u marinayaan Madaxweyne Gaas-kii waqtigiisa dhamaaday, Iska samir mudane Maxaa yeelay wax walbo oo bilowda dhamaad ayey leeyihiin, waa waqti xun, hase yeeshee qoraalka ayaa dhamaaday , waa dareensanahay sida nolashaada ay u muuqan doonto, laakin dhibmalahan dhibka Rer Puntland oo dhan ayaa kula qaba iyo guud ahaan Soomaalida”
Sidaasi oo ay tahay Waxaa ka muhiisan arintaas, in dadku ogaadaan waa KUMA SACIID DENI?
Siciid Cabdullaahi Deni muhiim ma ahan dadku in aan u sheegno in aad dhalatay 1966-kii , macna gaar ahna kuuma soo krodhineyso in aad ku dhalatay Caasumadda dalka ee Muqdisho, sax 1972-kii waxaad ka mid aheyd aradyadii dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, waana maqalnay in 1980-kii ilaa 1984-kii aad dugsiga sare ku qaadatay Dugsiga Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho, halka 1986dii ilaa 1990kii aad suabax waliba u kallahi jirtay Jaamacadda Ummadda adigoo ka diyaarinaya kulliyadda luuqadaha, Mudane warbaahinada qaar waxa ay sheegeen 1998-kii – 2000 in aad Shahaadada labaad ee Jaamacadda ku qaadatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).
Deniyow waxaas oo dhan muhiim ma ahan, waxa muhiimka ah waa in la arko waxqabadka ay ka filanayaan shacabka Puntland, Waxaa muhiimka ah waa in aad la timaataa wax aad kaga duwantahay Dadkii Adiga ka horeeyey.