Doorashada Somaliland..Qof Iyo Seddex Cod!

-

Somaliland ayaa isku diyaarineysa in ay qabato doorashooyinka, wakiilada taasi oo ay xigi doonaan doorashada madaxweynaha, hase ahaatee waxa ay su’aal ka taagan tahay daahfurnaanta doorashada.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Tan iyo markii asaasay Somaliland, waxaa la tilmaamaa in waxqabadka ugu weyn ee gaareen ay tahay in dadka rer Somaliland ay helaan fursad ay codkooda ku siin karaan qofkii ay doonaan.

Caqabadaha Hortaagan

Doorashada lagu wado in ay bilaabato dhawaan, ayaa wajaheysa seddex nooc oo cabqad ah kuwaasi oo u kala ah :caqabadda qabiilka, caqabadda masuqmaasuqa iyo caqabadda khilaafka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo u waramayey barnaamij “dood ah” oo ka baxay tilifishinka Horncable ayaa sheegay in Somaliland ay dib u dhigtay caqabadda “reeraha iyo qabiilka” oo sida uu sheegay barfasoorka saameysay dhinac kasta, sida dhaqaalaha, doorashooyinka iyo maxkamadaha Somaliland.

Sidoo Kale Aqri: Waa Tan Sirta Somaliland Ee Aysan Jirin Qof Ku dhiiran Kara Sheekisteeda

Dhinaca kale, waxaa baraha bulshada lagu baahiyey sawirada kaarar seddex ah oo sida la sheegay uu qaatay hal qof, taasi oo ka dhigan qofkaasi in uu awood u yeessho codeynta seddex mar oo kala duwan, taasi oo tilmaam cad ka bixineysa heerka musuqa uu gaaray Somaliland.

Gebiley qofka joogaa 3 jeer ayuu codayn karaa, bal ninkan eega 3 Kaadh wada qaatay 3 jeerna sheegtay 3 magac.

Posted by Saacid TV on Saturday, 22 May 2021

Ugu dambeyntii doorashooyinka Somaliland ayaa wajahaya khilaaf reero ku dhisan iyada oo qaar ka mid ah dadka loogu yeero beelaha dhexe iyo kuwa darafyada ay diidan yihiin hanaanka doorashada.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...