Dowlad Dadkeedu Ay Ku Hadlaan 70 Luuqad!

La Wadaag Asxaabtaada

Waa iska caadi in aragto dowlad dadkeedu ay ku hadlaan laba ama seddex luuqad, waxa aadan ogeyn ayaa ah in meeraha aynu k noolnahay laga helaayo dowlad dadkeedu ku hadlaan 70 luuqad


Xaqiiqonews-

Sanadkii tagay 2019 QM ayaa soo saartay liiska ilaa 60,000 oo luuqadood oo dunida laga weyn doono dhamaadka qarnigan.

Liiska waxaa lagu xusay Kanada oo ka mid dalalka halista uga jira in ay lumiyaan luuqadahooda asliga ah, waxaana la sheegay in kanada looga hadlo ilaa 70 luuqadood oo kala duwan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Kanada looga hadli doono oo kaliya seddex luuqadood oo kaliya, luuqadaha kalane ay lumi doonaan hadii aanan la sameynin tallaabooyin looga hortagaayo.

Inkastoo hay’adda ay xusin, waxaa jira qoraalo iyo warbixino badan oo laga qoray luuqaadda Soomaaliga kuwaasi oo ka digay in af-soomaaliga uu ka mid noqon kara luuqadaha halista uga jira in ay lumaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada