Dowladda Farmaajo Oo aqbashay In Itoobiya Safaarad Ka Sameysato Madaxtooyada

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee XFS, Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha Ethjiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar oo uu ka guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsig Danjirenimo ee ay Dowladda Ethiopia ugu so omagacowday xilkaasi.
Wasiirka iyo Danjiraha waxy isweydaarsadeen hadalo kooban oo ku and sii xoojinta Xiriirka labda Waddan ee deriska ah, wxayna si gaar ah iskula soo qaadeen Qoddobo ay ka mid yihiin Deeqaha Waxbarasho oo ay Dowladda Ethiopia siiyan Ardayda Soomaaliyeed.
Qoraal uu Wasiir Yuusuf Garaad soodhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay Danjiraha ku wada hadleen Afka Soomaaliga.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda,, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Itoobiya Ayaa horay safaaarad ugu laheed muqdisho waxaana safaaradda itoobiya ay daganeed gudaha madaxtooyada waxaana safiirani hadda cusub uu ku shaqeeynayaa madaxtooyada sida ku cad heshiiska labada dowladood .
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada