Dowladda yahuudda ayaa baahisay tirada asakartii laga dilay tan iyo 1860-kii ilaa maanta waxa ayna sheegtay in tirada askarta laga dilay yahuudda 157-kii sano ee u danbeysay ay gaarayaan ilaa 23,544(labaatan iyo seddex kun shan boqol afartan iyo afar) qof oo dhimasho ah.
Wargeyska “Yediot” ayaa baahiyey tiro koob laga sooo xigtay wasaaradda gaashaandhigga yahuudda tirokoobkaasi oo muujinaya in cadad ahaan tirada askarta yahuudda loogu dilay dagaalada tan iyo 1860-kii ay dhanyihiin 23544 qof.
waxaana tiro koobka ku cad in yahuudda tirada askartii lga dilay sanadkii la soo dhaafay aya gaarayaan 60(lixdan) qof waxaana ka mid ah 37 qof oo u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka.
waxaana tirokoobjka ku jira in qoysaska dhibanayaash ee caruurtooda dagaalada ku waayey ay gaarayaan ilaa 15881(shan iyo toban kun sideed boqol sideedan iyo kow) qoys.
sidoo kale tirada dumarka raggooda ku waayey dagaalada ayaa lagu sheegay in ay dhanyihiin 4481(afar kun afar boqol sideedan iyo kow).
sidoo kale curuurta agoomaha(waa inta u dhaxeysa 1 sano jir ilaa 30 jir) ee aabayaashood dagaalada ku waayey ay warbixintu sheegtay in ay gaarayaan 1843(kun sideed boqol afartan iyo seddex ) caruur ah.
Dowladda isra,il oo baahisay askartii laga dilay Muddadii 100-kii sano ee u danbeysay
-