Dowladda itoobiya oo ciidamadeeda dhawaan kala baxeyso soomaaliya#aqriso sababata

-

Dowlada Ethiopia ayaa lagu wadaa in Ciidamada uga harsan Somalia ay dhawaan kala baxdo goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, sida xog cusub ay sheegeyso.
Qorshaha lagu saaraayo Ciidamada Ethiopia ee wali ku harsan Gobolada dalka ayaa waxaa lagu dajiyay kulan 4 March, 2017 ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaa oo ay ka qeybgaleen Khubaro ku xeel-dheer dhanka amaanka oo kasoo jeeda dalkaasi.
Kulankaani ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia, Taliyaha Ciidamada Militeriga, La-taliyaha gaarka ah ee Ra’isul wasaaraha iyo qaar kamid ah Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Ethiopia kaga sugan Deegaanaka Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiintaani ayaa la sheegay inay isku raaceen in Ciidamada Ethiopia ee ku harsan Gobolada Somalia si dhaqsi ah looga soo saaro Somalia.
Mas’uuliyiinta qaar ayaa soo jeediyay in Guddi laga dhex xulo Wasaarada Gaashaandhiga kuwaa oo ka shaqeynaaya Hanaanka lagu soo saari lahaa Ciidamada maadaama Al-shabaab ay dhigi karaan jid gooyooyin lama dhaafaan ah.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia ku amray inuu diyaariyo Guddiga ka shaqeyn lahaa isku geynta Ciidamada ku kala sugan Gobolada isku dhow dhow, si halkaasi looga soo daabulo.
Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa Wasiirka iyo Saraakiisha howlahaasi loo xilsaaray ku amray in marka hore ay sahmiyaan dhulalka baaxada weyn oo ay isticmaali doonaan Ciidamada mudada lagu guda jiro isku geyntooda.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...