Boqortooyada Sacuudi Carabiya amar adag kasoo saartay xirashada maaliyada ay ku ciyaarto kooxda Barcelona ee dalka Spain ka dhisan, taasoo xayeysiis u sameysa shirkadda duulimaadka Qatar Airways.
Arrintaan xayiraada ku saabsan ee dalka Qatar ayaa meelo badan lugaha la gashay, waxayna Sacuudi Carabiya muwaadiniinteeda iyo dadka kale ee ku nool dul dhigtay amar adag oo qofkii lagu hela isagoo xiran mudeysan doona xarig 15 sano ah iyo inuu ganaax ahaan u bixiyo $153,000 Dollar.
Dowladda Sacuudiga ayaa horay u mamnuucday daawashada telefishinka Al-jazeera oo laga leeyahay dalka Qatar, qofkii lagu qarkana waxaa uu mudeysan doonaa ciqaab adag oo xarig iyo ganaac lacageed isugu jirta.
Sacuudi Carabiya ayaa maaliyada uu xirta laacibka Barcelona ee Lionel Messi waxay ka joogtaa lacag qaali ah, iyadoo dadka ay aad u jecel yihiin.
Lama oga in go’aankaan dalalka kale ee Khaliifka xiriirka u jaray Qatar qaadan doonaan iyo in kale.