Dowladda Somaliya Oo Raadineysaa Midibkii Saxda ahaa ee Calanka Soomaaliya !

“Waxaa hadda la raadinayaa midabka saxda ah ee calanka Somalia, waxaan ku wareersanahay calamo kala duwan midabkood oo aan uga qeybgalno shirarka iyo munaasabadaha kale, waa inaanu helnaa midabka xaqiiqda ah”

                                                            Maxamed Cabdi Xayiri Maareeye.

Xaqiiqonews.com-Wararka gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somali ay la’ dahay midabka saxda ah ee uu lahaa calanka Somaliya.

Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay hadda ku howlan tahay baadi goobka midabka calanka Somaliya, waxa uuna xaqiijiyay inay adag tahay helida midabka saxda ah.

Maareeye, waxa uu sheegay in meel waliba oo ay joogan Soomaalida laga isticmaalo calamo ay midabkooda kala duwan yihiin, waxa uuna tilmaamay in dhibka ugu badan ay ku qabaan shirarka caalamiga ah oo lagu arko calamo kala nooc ah.

“Waxaa hadda la raadinayaa midabka saxda ah ee calanka Somalia, waxaan ku wareersanahay calamo kala duwan midabkood oo aan uga qeybgalno shirarka iyo munaasabadaha kale, waa inaanu helnaa midabka xaqiiqda ah” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay iminka wado qorsho ah in la helo midabka saxda ah ee Calanka,isla markaana ay jiraan shirkado tartan u galaya in ay soo helaan,dhawaana tartankaas ay Wasaaradu qaban doonto.

Docda kale, Wasiir Maareeye ayaa madaxda dowlada ugu baaqay in qudhooda ay qeyb ka noqdan dhinacyada xulaaya midabka saxda ah ee Calanka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA