Dowladda Ugu Yar Dunida Muslimka Ah Oo Go’aan Ka Gaartay Yahuudda

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha Dalka Maldevis Mohamed Ibrahim Soleh ayaa ku dhawaaqay in ay jareen dhammaan xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Yahuudda.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Go’aanka Maldevis ayaa imaanaya xilli lagu eedeynaayo dowladaha ugu waaweyn dunida muslimka ah in aysan ku dhiiri karin go’aano adag oo ka dhan ah Isra’iil.

Go’aanka ay Maldevis xiriirka ugu jartay Israa’iil ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo noociisa oo dowladi ay qaadato ka dib xiisadihii Falastiin ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay

Maldevis waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay dowladda ugu yar dowladaha ka dhisan dunida muslimka.

Maldevis ayaa ka tirsanaan jirtay boqortooyadii Soomaaliyeed ee Ajuuraan, xilligaasi oo ducaadii Soomaaliyeed ay diinta islaamka gaarsiiyeen jasiiraddan badweynta Hindiya ku taala.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada