Dowladda Weyn Ee Kenya !

Dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kasoo celisay xubno kamid ah dowladda Soomaaliya kuwaasi oo loo diiday inay gudaha dalka Kenya galaan.

Xaqiiqonews-Wararka

Xubnaha loo diiday inay galaan magaalada Nairobi waxaa kamid ah Wasiir ku xigeenka Tamarta Cismaan Libaax Ibraahim, Senetor Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale, kuwaasi oo loo diiday inay helaan VISA on Arrival ka ah oo ay garoonka ku qaadan jireen.

Kenya ayaa dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyin farabadan waxaa ay isku dayeysaa in ay cadaadis ku saarto in dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya laga laabto, hayeeshee Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa sheega in marnaba aan wadahadal laga galeyn arintaasi.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa albaabada u laabtay xafiisyada qaar ka mid ah shirkadaha xawaaladaha soomaalida ee Kenya.

Si kastaba ha ahaate DF-ka soomaaliya ayaa u muuqato in ay ka indho laabaneyso daandaansiga siyaasadeed ee Kenya.

Isha Xigashada: Webbsiteyada Soomaalida

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA