Drones-ka Turkiya Oo Joog Hoos Ku Duulaya Oo Lagu Argay Xaafad Ka Mid ah…….

-

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay dad Deegaanka ah, Jimca walbo diyaarada joog hoose ku duulaya ayaa lagu arkaa qaar ka mid ah xaafadaha muqdisho.

Diyaaradahan Oo ah Drones Gaar ahaan Nooca afarta Matoorka leh ee loo yaqaan Quadcopter, ayaa Nafta u keenay Xaafadaha Baar-ubax, Xamar jadiida iyo waliba Qeybo ka tirsan Howlwadaag.

“Waxaan argay Dayax gacmeed camal, markii ay soo dhawaadaana waxa ay shideysaa nal cagaaran, wan ka cararay waxaan galay sariirta  hoosteeda, waxaan is dhahaayi caawa waa la soo dagay” ayey tiri  gabar yar oo iyadoo qosleysa ka warantay habeenkeedii ugu horeysay ee ay aragto diyaarad drone ah.

“wlh waa naxay markii hore waxaan maqlay cod shini cml oo cod dheer ah, binaanka ayaan u soo baxay  waxaan arkay bahasha oo marna cagaar shideysa marna gaduud” ayey tiri gabar kale oo dadka deegaanka ah.

Diyaaradahan ayaan inta badan caadeysta in ay si joogta ah u soo laalaabtaan, waliba xilliga habeenkii ayey u badanyihiin,balse mar marka qaarkood waxaa la arkaa maalintii.

Drones-kan ayaa sitaa Calanka Turkiya,balse si dhab ah looma xaqiiqjin karo goobta ay ka soo kicitimaan, inkastoo Turkiye oo kaliya aysan gooni u aheyn isticmaalka hawada soomaaliya, hase ahaate tani waxa ay tilmaameysa In Turkiye ay dooneyso in Mareykanka ay kula tartanto hawada Somalia.

Ujeedka Diyaaradahan ayaan si dhab loo ogeyn, hase ahaatee Turkiya ayaa weeraro kala kulmay alshabaabka somalia, waxaana laga yaabaa in diyaaradahan ay yihiin Kuwa basaas oo looga hortagaayo  weeraro xaafadahan laga soo abaabulo oo Turkida lala bartilmaamdeedsado.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...