Dumarka iyo Geella oo Riyooyin isku Mid ah Xambaarsan#Ma Rumeysan Kartid

-

Madaama ay Soomaalida yihiin dadkii ugu horeeya ee Geelle dhaqdaa ama Rabaayo ka dhiga, Waa Dhab in ay Soomalida Wax badan Kan ogyihiin Geelle si ka badan inta ay ka ogyihiin dunida kale,waxa ayna soomaalida mar walba sheegtaa in maalin un geelle uu noqon doono duur joog ka baxa gacanta aadanaha,Dumarkana rajooyin ayey leeyihiin.. ka aqri faafaahinta hoose.

Soomaalida aad bey ugu badbadiyeen geella, ilaa heer abwaan soomaali ah uu ku gabyey “aaqkhiro niman geel laheyn lama amaaneyne…”.

Maanta waxa aan si gaar ah uga hadli doonaa Geella iyo Sheekooyinka Soomaalida ee ku aadan wax ay ka yiraahdeen damaca geela ee ku saabsan in uu mar uun noqdo duur joog, iyo Sidoo kale wax iska  quseeya Sheekooyinkan ku saabsan damaca Geella oo mar walbo lagu lamaaniya damaca dumarka.

Waa kan Oday Axmed Cilmi oo 40 sano geel jira ku ahaa deegaanada Harqaanka loo yaqaan oo dhacda xaduudda gobolada Hiran iyo Bakool oo ah meesha ku noolyahay geela ugu badan soomaaliya, oday Axmed waxaa uu yiri “Geela waa duunyada ugu qaalisan, ilaah kuuma darraadase aan haysano laakiinse, geela cidood noqosha ayaa lagu ogyahay” hase yeeshee Oday Axmed Dumarka iyo Geelle labudaba midna kuma aamin qabo, oo waxa uu aaminsanyahay in ay u baahanyihiin in il gaar ah lagu firiyo

Waxaa jira Sheekoyin dhowr ah oo xoojinaya Geella in uu mar uun ka bixi doona gacanteena, waxaana dadkii hore ay ku sheekeysan jireen “seddex seddex ayey ka baqaan, ”

  1. Naag ninka la dhashay ayey ka baqdaa oo xumaanta iskaga ilaalisaa, hadii kale Waxba ma dhowrteen.
  2. Nin ilaah ayuu ka baqaa oo hadii alle ka cabsi jirin ragga oo dhan wixii ay doonaan ayey sameyn lahaayeen.
  3. Geel dadka ayuu ka baqaa oo hadii aan la ilaalineynin mar hore ayuu cidood(duur joog) noqon lahaa

Sheeko kale ayaa iyadana waxa ay leedahay “Seddex Seddex ayey ku hammiyaan, weyna helaan”

  1. Beer (Beerta lagu abuuro dalagga) waxa ay ku hammisaa in mar un ay noqoto meel duur ah oo aan la beeran, sanado badan ka dibna wa ay u suurtgashaa, oo waxaa dhinta dadkii beeri jiray ama waa laga guuraa.
  2. Naag waxa ay ku hammisaa in ay mar un noqoto  Xaas nimeed, weyna heshaa ugu dambeyntii guud feerasho iyo filasho dheer ka dib.
  3. Geel waxaa u ku hammiyaa in uu mar un noqdo duur joog, ka baxsan gacanta aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee, Geella iyo Dumarka marka laga soo tago damacoodaasi,Soomaalida ma inkirsana faa,idooyinka, waxeyna yiraahdaan

Seddex seddex uma yara

  1. Nin wiil fiican leh tol uma yara
  2. Nin riti Fiican lehna geel uma yara
  3. Nin naag fiican lehna  nafci uma yara

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...