Ma ahan wax qarsoodi ah Saameynta warbaahinta ay ku leedahay Waxyaabaha aad aaminsantahay, maxaa yeelay macluumaadka an ka helno warbaahinta ayaa sameeyo qaabka fikirkeena shakhsiyadeed.
Xaqiioqnews-
Warbaahinta iyada iskuma argto in aan ku ciyaareyso quluubta “Dadweynaha” waxa ay isku argaan in yihiin war soo tabiyaal doonaya in ay noo sheegeen waxyaabo cusub.
xitaa dadka qoraayaasha waligood tababar kuma soo qaadan “Qaabka Maskaxda dadweynaha loo dhaqo” sidaasi oo ay tahay si joogto ah waxa ay ugu lug leeyihiin dalladda weyn ee badalka “Afkaarta” .
Halis Qarsoon!
Soomaaliya Warbaahinta ayaa noqotay “warashadda ugu faa’idada badan” ee dadku ay ka sameeyaan lacago badan, sidaa darteed warbaahintu waxa ay iska ilowday doorkii dhabta ahaa ee ahaa “Waxbarista” , u jeedka kaliya ee warbaahinta ayaa noqday in ay dadka marin habaabiyaan.
“Khuraafaadka” ayaa noqday qeyb ka mid ah waxyaabaha dadka loogu qosol siiyo, waan arin xanuun badan marka aad ogaato in waxyaabo aad run u heystay aysan aheyn run.
Ma is weydiisay su’aashan “Maxaan sidan ugu ogaaladay qalbkieyga in loo badalo” jawaabta oo gaaban waxa ay tahay “Adiga khaladka ma lihid waxa aad dooneysay”Macluumaad”, hase haatee warbaahinta ay gabtay shaqadii aheyd in ay ku siiso “Macluumaadka saxda ah”,
Caano Daaday dabadaa baa la qabtaa
Warka wanaagsan waxa uu yahay in aad iska diidi karti in ay ku badasho warbaahinta, waxan aan halkani kugu soo gdubineynaa 2 qodob oo kaa caawin karta in aad iska difaacdo weerarka warbaahinta ee ku wajahan fikirkaada.
Wax Walbo ha iska aaminin
Qalbikaada ha u ogalaan in si fudud loogu ciyaaro, hana iska aaminin wax walbo si indho la’aan ah.
qof fikirkiisa ka dhiibtay sida ay warbaahinta u badasha maanka dadweynaha ayaa yiri “Maskaxdeyda waxaa ka dhaadhici la’ waxa loogu yeero ciyaaraha(Sports)”
Sidoo Kale Aqriso qaabka–warbaahinta-ay-u-maranhabaabiso dadweynaha..
Waxa uu intaasi ku daray “Waxaa la yaabanahay dad waaweeyn oo daba orday banuuni yar si ay uga dhax bixiyaan laba bir dhaxdooda!, waxaa kale oo cajiib ah qarashka ku baxa banooniga oo runtii ah mid badan”
Ma ahan oo kaliya Ciyaaraha, waxyaabaha aan micnaha ku fadhin ee warbaahintu ay naga dhaadhicsay sidoo kale waxaa jira tusaalayaal kale oo badan .
Dooro Warbaahinta Wanaagsan
Qof naga mid ah ayaa waxaa laga yaabaa in uu dhaho “Kaliya waxa aan aqrinayaa ama daawanayaa wixii isoo jiita” taasi waa sax, laakin waxaa jira dhinacyo badan oo ay tahay in aad iska fiiriso ka hor inta aadan shay daawan, aqrin ama dhageysan.