Duqeyntii Xuutiyiinta Ka dib Imaaraatka Oo Hal arin Sameynaya.

La Wadaag Asxaabtaada

Wafdi ka socda Imaaraadka Carabta ayaa horaantii bishan u duulay dalka Faransiiska iyo Finland si ay u saxiixaan qandaraasyo ay ku iibsadaan lidka Diyaaradaha Drones-ka  ka dib markii Maleeshiyaatka Xutiiyiinta ay adeegsadeen Duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah  danaha dhaqaale ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Wargeyska Forbes magazine ee dalka Mareykanka ayaa warbixin ka qoray diyaaradaha Xuutiyiinta,  oo  waayahan dambe isku badalay hub halis ah oo qatar gelinaya danaha dhaqaale ee Imaaraatka Iyo Sacuudiga,  waxaana wargeyska uu saadaaliyey in ay sii badan doonaan weerarada xagga cirka ah ee loo isticmaalo diyaaradaha noocan ah.

Sida laga soo xigtay mas,uul u hadlay kooxda Ansaru-Laah ee taabacsan Xuutiyiinta oo u hadlay wakaaladda wararka ee Saba, weerarka waxaa fulisay diyaarad drone ah oo magaceeda yahay “Samaad 1”

qoraaga Qoray warbixinta wargeyska Forbes magazine waxa uu leeyahay “shirkadda sameysa lidka diyaaradaahan, gaar ahaan shirkadda “Drone Shield” ee laga leeyahay dalka Australia ayaa faafisay codsi kaga yimid wadan ku yaala bariga dhexe oo aan magaciisa la shaacin, balse shirkadda ayaa ku gaabsatay in wadankaasi uu Isbaheysi la leeyahay dowladaha Galbeedka.”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada