Wargeyska The Independent ayaa daabacay Warbixin muujinaysa Balan oofin adag uu Ey u sameeyey milkiilihiisa,Ilaa afar bilood, ayuu Eygan taagnaa afaafka hore ee Isbitaal ku yaalla Brazil,isagoo sugaya milkiilaha inuu ka soo baxa Isbitaalka.
Eeygu wuxuu yimid Isbitaalka Santa Casa de Novo Horizon waxaana uuna ceyrsanayey ambulance sitay dhaawaca milkiilaha.
Wargeyska waxa uu leeyahay xitaa xilliga la qoraayey warkan, eeygu weli ma aaminin in milkiilahiisa uu dhintay,
Shaqaalaha isbitaalku ayaa siinaayey cunto iyo cabitaan eeyga illaa laba bilood , ka dib markii la geeyey goob eeyaha lagu xanaaneeyo isagoo usbuuc ka dib u soo baxsaday dhankaa iyo Isbittalka ,si uu u sii wato safarkiisa dheeraa ee sugitaanka abadiga ahaa.
Waxaa la tilmaamay in tani aysan ahayn markii ugu horeysay ee eyda ay muujiyaan naxariista ay u qabaan Milkiilayaasha , Sanadkii 2016-kii, eey ayaa sugay milkiilahiisa muddo dhan isbuuc Isbitaal ku yaala Spain illaa uu milkiiluhu ka soo kabsaday dhaawaca.