Eeyaha Ayaa ah muhiim marka laga hadlaayo ciidanka Mareykanka, waxa ayna leeyihiin darajooyin gaar ah, mararka qaarna waxaaba dhici karta in ay ka daraja sareeyaan saraakiisha ilaalineysa.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Dagaalkii labaad ee aduunka Ciidanka Mareykanka ayaa bilaabay in ay tababaraan eeyaha, sanadkii 1943-kii ayeyna cagaheeda isku taagtay fikradda ah “Dagaal gelinta eeyaha”.
Website-ka “bussiness Insider” ee Ameerikaanka ah ayaa qoray in Eey uu ka mid ahaa ciidankii gaarka ahaa ee Mareykanku sheegay in ay dileen sheikh abuubakar Al-baghdaadi.
Sidoo Kale Aqri Waa Tan Sheekada “Scamp Trump” ..Eygii Ku Guuleystay Tartanka Foolxumada
Ciidanka Delta Force oo ahaa ciidankii 1993-kii isku dayey in ay dilaan Jen. Ceydiid ayaa la sheegay in howgal gaar ah ku khaariyeen Abuubkar al-baghdaadi.
Bussiness Insider ayaa sheegay in Eeykan qeybta ka ah ciidanka Delta Force uu leeyahay darajo iyo magac.