Scamp Tramp Waligiis kuma Guuleysan doono Quruxda eeyaha, balse badalkeeda waxa uu heystaa guusha Foolxumada, haddaba waa kuma eeyga sita magaca Madaxweynaha Mareykanka?
Xaqiiqonews-
Gabar ayaa u sheegtay wargeyska “Press Democrat” in eeygan uu yahay mid caan ah iyada oo tiri “Eygan waaa Scamp-ka geesiga ah, waxa aan aaminsanahay in dadka oo dhan ay ka heleen ruuxdiisa qurxan,waxaa kale oo dadku ay ka heleen waxyaabaha uu u sameeyo bulshada darteed”
Eeygan oo caan ku ah magaca “Tramp” ayaa ka guuleystay 18 eey kale oo kula tartantay doolxumada eeyaha kuwaasi oo fagaaraha la yimid carabkii dheeraa, lugaha jaabo ah, iyo indho uusan jecleysaneynin qofkii daawada, Balse Tramp ayaa helay lambar kow, tartan ka dhacay Kilfoorniya oo Mareykanka ka tirsan.
Scamp Tramp kuma caan baxin oo kaliya indhihiisa waaweyn iyo timihiisa adag, sidoo kale magaciisa ayaa leh soo jiidasho, madaama uu si dhaw uga magac egyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.