Elon Musk Oo 100 Milyan Oo Doolar Siinaya Qofkii Shardigan Ka Soo Baxa

La Wadaag Asxaabtaada

Milyaneerka Ameerikaanka ahna asaasaha shirkadda “Space x” ninka lagu magacaabo Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in uu siin doono abaal marin maaliyadeed oo aad u badan qofkii keena qaab loo qaban karo isku dhiska maadada “Kaarbon labo osksayd” (Carbon dioxide) ee dhibka badan ku heysa deegaanka.


XAQIIQO NEWS-

Musk, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa ku yiri “waxaan siinayaa abaal marin dhan 100 milyan oo doolar qofkii keena farsamada ugu fiican ee lagu qaban karo Carbon dioxide.

Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu sii raaciyey “faafaahinta waxa aan bixin doonaa todobaadka soo aadan.

Nidaamka “qabashada” waxaa laga wadaa farsamo suuragelineysa in maadada looga sooco waxyaabaha kale ee warshadaha lagu isticmaalo si aysan u dhicin in maada ay hawad gasho oo ay wasakheyso. u jeedka ayaana ah in in laga hortago wasakhowga hawada iyo cimilada kululaaneysa.

Wakaaladda Tamarta Aduunka ayaa daba yaaqada sanadkii tagay sheegtay in ay jirto baahi daran oo loo qabo baahinta iyo siyaadinta farsamooyinka lagu qabanaayo Carbon dioxide, si hoos loogu dhigo cimilada sii kululaanaya ee aduunka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada