Erayadan Waligaa Ha Ku Dhihin Qof Kansar Qaba

-

Kansarka waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah cudurada ugu baahsan uguna badan ee dhimashada ku sababa ragga iyo dumar si siman.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Khubarada waxa ay leeyihiin, cudurka waxaa ka daran in bukaaanka uu cudurkabau arko “bar ceeb”, sababtoo ah hadallada kala duwan ee uu kala kulmaayo dadka ku hareereysan.

Webseetka Times News Now, waxa uu calaamadeeyey erayo ka xanuun badan cudurka laftiisam, kuwaasi oo ay habboontahay in aadan waliga kala hortagin qof xanuunsan.

1- Waxa aad Isku Keentay Ayaa Ku Haya

Qofka oo aad ku eedeysaa in hab nololeedkiisa ay ka mas’uul aheyd in uu cudurkan ku dhaco, waxa ay la mid tahay adiga oo tooreey wadnaha kaga muday bukaanka, kuna darso noocyo badan oo kansar waxa ay bukaanka ku soo gaaran qaab dhaxal iyo hiddo ah, waxaana dhici karta in uusan lug ku laheyn bukaanka.

Sidoo Kale Aqri..Muxuu Kansarka Ugu Badan Yahay Wadamada Qaboobaha Ah?

2-Isticmaal Daawo Dhireed.

Daawo dhireedka wax badan ayey ka tari karaan cudurada qaarkood, laakiin arintu marka ay kansarka taagan tahay wax door ah malahan, qof markii uu isticmaalo daawadii aad u sheegtay uusan waxbana iskga dareemin waxaa niyadda ka galeysa in aysan jirin wax “noolashiisa badbaadin kara”.

3- Naasaha Waad Ka Maarantaa

Kansarka naasaha ayey la dhibbanyihiin dumar badan, gaar ahaan kuwa da’da weyn, sidaa darteed erayada qaarkood oo inaad u isticmaasho laga yaabo waxa ay ku noqon karaan kuwo uga daran cudurka, bukaanka waxa uu dareemayaa in aysan jirin “cid daneyneysa”.

4- Cudurka Iska Daweey

Ogow kansarka waxa uu is-badal ku sameeyaa noolasha bukaanka oo dhan, bukaanka waa uu dagaalamaya, dadaalayaa meel kastana u galayaa sidii uu cudurka ugu adkaan lahaa, sidaa awgeed uma baahna erayo af dheeri ah sida “ka adkow cudurka”, erayadaasi waxa ay saameyn ku yeelan karaan caafimaadkiisa jir iyo maskaxba.

Maxaa Haboon In Aan Ku Dhahno Bukaanka?

-Taaageero u muuji iskuna day in aad fahanto xanuunka haaya

-Waxaaad ka weydiii xaaladiisa iyo waxa uu dareemaayo

–Isku day in aad kala sheekeysato, jadwalka daaweyntiisa iyo waqtiyada la ballami.

Ugu dambeyntii hadii aadan awoodin “erayo naxariis leh”, waxaa kuu fiican in aad afkaada ka qabsato intii aad ku dhihi laheyd waxyaaba in uu dhinto ku sii riixi kara.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...