Eraygan Dartiis K. Waqooyi Oo Jabaanka Ku Eedeysay Duullaan

La Wadaag Asxaabtaada

Kuuriyada Waqooyi ayaa Jabaanka ku eedeysay “duulaan gardarro ah” ka dib markii Jabaanka uu isticmaalay kalmadda “badda Jabaan” badalkii uu adeegsan lahaa badda barri oo ah xaduud kala qeybisa Jabaanka iyo Kuuriya.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Wakaaladda wararka u baahisa Kuuriyada Waqooyi oo soo xiganeysa haddalo uu jeediyey ra’iisal wasaaraha Jabaanka ayaa ku tilmaamtay ra’iisal wasaarahu mid u ololeynaya “xadgudub duullaan”.

Ra’iisal wasaaraha Jabaan ayaa eray bixinta “badda Jabaan” u isticmaalay badda Barri ee kala qeybisa labada waddan waa K. Waqooyi iyo jabaankee.

Sida lagu qoray bayaanka K. Waqooyi ka so soo baxay, tani waxa ay caddeneysaa in Jabaan uu u hanqal taagayo biyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa isticmaalka eray bixinta “badda Jabaan” ku tilmaamatay dami ka tarjumaya waxa ay ugu yeertay “taariikhda gumeysi” ee Jabaanku uu mar kale ku doonaayo in dhul weynaha Kuuriya oo dhan uu ka dhigo dhul la gumeysto- waa sida hadalka ay u dhigeen.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada