Erdogan “Afrika Meel Walbo Oo Aan Tago Daroonis Ayey I Weydiisanayaan”

-

Waxaa jimcadii la soo dhaafay Turkiga ka furmay shir madaxeed Turkiga iyo Afrika iyadoo oo kulanka ay ka qeyb galeen 13 madaxweyne oo Afrikaan ah oo ku jiro madaxweynaha waqtigiisa Dhammaaday ee Soomaaliya Farmaajo.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Shir madaxeedkan ayaa sida ay khubaradda sheegayaan xoogga lagu saaray ammaanka iyadoo madaxda afrikaanka ah ee goobta lagu casuumay ay aad u daneeynayaan in ay helaan qalabka mlitaraiga ee Turkiga sameeya kuwaasi oo ay madaxda doonayaan in ay ku helaan qiimo ka raqiisan kana sharuud yar.

Ankara ayaa horay saldhigyo ugu laheyd Soomaaliya, Marooko iyo Tuniisiya kuwaasi oo sida warbixintu ay sheegeyso horay u helay diyaaradaha weerarka ah ee Bayrakhtar TB2.

Angoola ayaa ka mid ah wadamada Afrikaanka ah ee Erdogan la wadaagay xiisahooda ku aadan darooniska Turkiga markii Erdogan uu booqashadiisii ugu horeeey ku tagay waddaankaasi dhaca koonfurta Afrika bishii tagtay ee oktoobar.

Bishii Agoosto Turkiga ayaa sidoo kale heshiis miltari la saxiixday ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaasi oo dagaal adag kula jira Jabhadda Tigrey.

“Meel Walboo oo aan Afrika tago, waxa ay i weydiisanayeen daroonis” Erdogan ayaa sidaasi ku faanay ka dib booqasho uu bishii Octoobar ku tagay Angoola, Nayjeeriya iyo Togo.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...