Baraha bulshada waxaa lagu baahiyey Muuqaalka Erdogan iyo Biden oo isku dhaw iyada oo ciwaan loogu dhigay “gacan shumis” haddaba maxa ka jira?
XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA
Arinta waxaa aad u sii kiciyey, kulankan Erdogan iyo Biden waxa uu ahaa xilli Erdogan uu ka careysnaa, ka dib markii uu Mareykanka aqoonsday in Armenia lagu sameeyey xasuuq.
Muuqaalka dhabta ah waxa uu ahaa, Madaxweynaha Turkiga waa uu fadhiyey ka hor inta uusan u imaan dhiggiisa Mareykanka, kolkaasi uu Erdogan u istaagay Salaanta karoonaha, intii u istaageyey erdogan afkiisa ayaa u dhawaaday gacanta Biden, waana marka ay kaamiraduhu qabteen lana baahiyey muuqaalka iyada oo laga dhigaayo “Gacan shumis”.
Sidoo kale Aqri: Erdogan “Waxa aan Isticmaaleynaa s-400 Hadii Nala Soo Weeraro“
Sida uu Tuwiterkiisa ku baahiyey maamulaha xiriirada guud ee madaxtooyada, labada madaxweyne ayaa qaatay kulan is marxabeyn ah intii uu socday shir madaxeedkii NATO.