Ereyo Calwinaya Qalbikaada Saafiga ah Kuna Saabsan SYL#Ma jecleyn ee Waa Lama Huraan

-

Mid ka mid ah khaladaadka ugu waawayen ee laga galay bogga taariikhda bulshada dulman ee somaaliyeed, waxaa ka mid ah in maalinkani(15 May) loo aqoonsado maalinta dhalimyarada soomaaliyeed ! sababtuna waa sheeko weyn.

Ugu horeyntii ha ku fududaan in aad go,aan ku gaarto ereyada hordhaca ah, balse isku day in aad u sii dhaadhacdo qoraalkan hoose oo aad si dhab ah u dhuuxdo 525-ka eray ee soo socdo.

Maalin aanu jirin cid hadda joogta oo waagaa nooleyd ama ay yartahay qof nool oo xilligaa marqaati ka soo noqday , balse sida sheekadu nagu soo gaartay ah maalin xusid naga mudan waa maalinta 15-ka may,hase ahaate sababta maalinkani ugu gaar noqday dhalinyarada ayaa aheyd in la aasaasay Ururkii SYL.

SYL Iyo SYC

SYC oo markii hore ahaa golle kulan oo dhalinyaro soomaaliyeed mideeya, ayaa markii danbe u xuub siibtay SYL.

SYL waa urur dhalinyarro soomaaliyeed ay dhiseen, waxaana u jeedka ahaa in loo hiiliyo Shacabka soomaaliyeed, oo laga dulqaado gumeysiga, hase yeeshee taariikhyahanno badan ayaa arinkaasi dood ka keenay.

buugga “الجبهات الصومالية”  waxaa qoray qoraa Xasan Maxamuud Oo ka soo jeeda beesha Rer awsaxan waxa uuna leeyahay  ” aniga kama soo jeedo beelaha waaweyn ee ku hardama siyaasadda soomaliya” waxa uuna qoraagga intaasi raaciyey “Markii Taliyaaniga uu qabtay Culeyskii ka soo gaaray Dagaalkii labaad ee aduunka, waxaa uu ka mid noqday dowladihii yurub ee go,aansaday  in ay iskaga tagaan dalalkii ay maamuli jireen ciidan ahaan, balse waxaa jiray qorshe ahaa in qalbi ahaan ay sii joogaan dalalka la gumeysan jiray, sidaa darteed Taliyaaniga ayaa dhisay urur dhalinyarro soomaaliyeed oo badalo booskiisa, waliba ku shaqeyn kara mabaa ,didii gumeystaha ka tagay, waxaana la dhisay ururkii SYL.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa in  caqligooda uu qaadan kari waayo erayadan dabka ah, balse waa xaqiiqo ay muhiim tahay in aan ka ogaano SYL,  waliba Qoraagga waxaa uu soo qaadanayaa ilaa dhowr qodob oo aan ka fahmi karno qaabkii ay iskugu milnaayeen SYL iyo Taliyaaniga.

Wax Dagaal ah ma dhicin

Sababta koowaad ee SYL  aan looga fogeynin taliyaaniga, qoraayo badanna ku qasabtay in ay ku fikiraan waxa sanduuqa binaanka ka ah ayaa ah, in aan taariikhda la heyn haal dagaal oo dhax maray SYL iyo Taliyaaniga.

Ma ogtahay aqriste, SYl iyo Taliyaaniga waxa ay ka iskaga dhawaayeen Ingiriis iyo Taliyaani oo dagaalo badan dhax mareen.

-Xubnaha SYL

Dhamaan xubnaha SYL waxa ay si xorriyad ah u mari jireen goobaha Taliyaani maamulo, waana arin fikir u baahan in la ogaado sababtii Taliyaaniga uu u dilay sheikh Xasan Barsane Waliba isaga oo maxbuus ah, isla markaana xubnaha SYL ayaa u dhax mushaaxi jireen magaalooyin uu maamulo faranjigii Taliyaaniga.

-Doorashadii Aadan abulle Cismaan

Madaxweyne Abdulle ayaa loo doortay Madaxweynaha J. Soomaaliya Taliyaaniga Ka dib,  waxaa uu ka tirsanaa xisibgii siyaasadda ee SYL hase ahaatee ma ogtahay in dhamaan madaxdii Afrika ee gumeysiga ka dib dalalkooda xukun u qabtay in loogu  yeeri jiray oraahdii caanka aheyd “Black boy with blue eyes” oo macnaheedu tahay “Wiil Madow oo Indho Buluug ah Leh”  oo loola jeedo wiil madow maqaar ahaan, balse maanka uu ku shaqeynayo uu yahay mid cadaanka u hiilinaya”.

Waa kan abwaan soomaaliyeed oo gabay ka mariyey qaabkii SYL iyo Taliyaaniga iskugu maamul ekaayeen. waxaa uuna gabaygan tiriyey doorashadii Madaxweyne Abdulle AUN ka dib.

Isma doorin gaalkii aan diray iyo    Daarta kii galaye

Danbi kuma hadlaayee                       Ma arag Dowladdan rabay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan Qoraalkeykani in aan inkiraayo waxqabadkii Awoowayaasheen, balse waa taariikh qoristeeda aan looga maarmin maanta oo kale oo ay ku beeegantahay maalinta dhalinyarrada SYL, si qofka soomaaliga ah uu u helo qoraal cadaaladda ku dhisan, sii uu isaga u gaaro go,aan wax ku ool ah oo badali karo wax waliba oo horay u soo halaabay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...