Ereyo Qurux badan Oo Ku Saabsn Hooyada Weyn “Hal abuur Dashaa baa Hooyo Lagu xasuustaa”

La Wadaag Asxaabtaada

Hooyo Waa erey  yar oo  ka kooban xarfo iska yar  hase ahaatee xanbaarsan maco weyn oo ku saabsan Jaceyl, Deeqsinimo, Naf-hurnimo, hooyadu  waa Wabbi aan gureynin, Waana sanduuqa keydkaada aad u ku qarsato Xanuun walbo oo kaa soo wajaho dunida.

Hooyadu waa qofka bixiya oo aan sugin in Aad u abaal gudda, taas oo ah wax kasta oo aad isku daydo inaad samayso Abaalkeeda ma awoodid in aad u badil siiso quruxdii ay kuu soo gorisay.

Hooyo waa sababtii jiritaankaada noloshan iyo sababta aad u guulaysatay,Waxay ku siisaa dhiiggeeda iyo caafimaadkeeda si aad u hesho caafimaad taam ah, hooyo waa caawimaad aad adigu ku leedahay adduunkan, kaas oo xitaa ku galinya Jannada.

فقد أتى رجلٌ رسولَ اللهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم فقال: إني أشتَهي الجهادَ ولا أقدِرُ عليه، قال: هل بقِي مِن والدَيكَ أحَدٌ؟ قال: أُمِّي، قال: فأبلِ اللهَ في بِرِّها، فإذا فعَلتَ ذلك فأنتَ حاجٌّ ومعتمرٌ ومجاهدٌ

Nin baa u yimid Rasuulka Alle (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri: Waxaan rabaa jihaad mana awoodi, wuxuu yiri Rasuulka SCW ” Ma jiraa qof joogo oo waalidkaa ah? Wuxuu yiri “Hooyaday,” wuxuu ku yiri, “Oh, Alle wuxuu ku jiraa xaqnimadeeda {baarinmadeeda}, haddii aad sidaa sameysid, waxaad tahay xaaaji{sida qof xajka tagay,{Muctamir} sida qof soo cimreystay  iyo mujaahid.”

Qaar ka Mid ah Oraahyadii ugu Wanaagsanaa Ee Laga Yiri hooyada Weyn.

Hadii dunida oo dhan la dhigo hal kafad, hooyana la dhigo kafadda kale waxaa dooran lahaa hooyadey

Qalbiyada Ilaah abuuray Kuwa ugu wanaagsan waxaa ka mid ah Qalbiga Hooyada.

hooyada Ayaa Sameysa umaadaha.

Hooyada waa tan ugu sharaf badan noolayaasha.

Dunidan waxaa jiro hal shay oo ka wanaagsan xaaskaaga waa hooyadaa.

Dadka Waa Caruurta dunida, raggan laguma eedeyn karo Jaceylka hooyada.

Ugu danbeyntii waxaan ka cudur daaranayaa in aan ereyo ku soo koobin karin sheekada iyo mudnaanta hooyada Weyn,  waxaana aan idin xasuusinayaa qeyb ka mid ah Heestii hooyo ee abwaan Hadraawi.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada