Weerarkii ugu horeeyey oo noociisa ah, dagaal yahano Al-shabaab ka tirsan ayaa gudaha u galay xarunta Xalane oo ah goob aad loo ilaaliyo oo ay daganyihiin safaarado, hay’ado QM ka tirsan iyo qandaraaslayaal kale oo caalami ah.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Weerar sida loo maleynaayo ku bilowday is-qarxin ayey koox hubeysan ku qaatay mid ka mid ah iridaha laga soo galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo saaran xerada Xalane.
Dableyda hubeysan ayey u suurtagashay in ay gudaha u galaan garoonka iyaga rasaas iyo toogasho ka dhax bilaabay garoonka oo ay ilaaliyaan ciidanka shisheeye ee Amisom.
War kooban oo ka soo baxay Al-shabaab ayey sheegen in dagaalyahanooda ay weerar ku qaadeen xarunta Xalane iyaga oo sheegay in halkaasi dhufeyso ka sameysteen oo ay howlgal ka wadaan.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah waxaana wili socda rasaas iyo dagaalka ka dhashay weerarka iyada oo ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda isku dayayaan in ay badbaadiyaan diblomaasiyiinta iyo ajaanibta ku go’doonsan gudaha Xalane.