Madasha diblomaasiyadda caalamiga ah Antalya ee dalka Turkiga ayuu wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali kula kulmay dhiggiisa ka socday imaarada islaamiga ee Afghanistaan.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Sawir lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu arkaya wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo la fadhiya, wasiirka arimaha dibadda Afhganistaan ee Daalibaan ninka lagu magacaabo Amiir Khaan Mutaqi.

Kulan ayaa yimid ka dib markii labadan diblomaasi ay ka wada qeyb galeen, kulanka ADF (Antalya Diplomacy Forum) oo ah kulan fadhigiisu yahay magaalada xeebeedka Antalya ee dalka Turkiga waxaana kulan iskugu yimaada siyaasiyiin, diblomaasiyiinta iyo dhaqaale yahanada iyada oo halkaasi lagu falanqeeyo amuuraha ugu waaweyn ee adduunka ka taagan.
Kulan sanadkan oo socanayaa 11-Maarso ilaa 13-ka ayaa waxyaabaha aad looga hadlaya waxaa ka mid ah dagaalka Ruushka iyo Yukrayn iyo caqbadaha dhaqaale ee adduunka.