Shabakadda Waraka Falastiin PNN, ayaa shaacisay in garabka al Qasaam ee ka tirsan Xamaas uu markii ugu horeysay sanadkii 2014 ku guuleystay in diyaaradahooda drones-ka ay dul biibaan wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil.
Xaqiiqonews-Tiknoolaji
Bishan oo kale sanadkii 2014, garabka aal-qasaam ee ka tirsan Xamaas ayaa ku guuleystay in dul maraan dhismaha Al-Krayyah, taasi oo aheyd goobtii laga soo hagaayey weerarkii 2014 lagu qaaday marinka Ghaza.
AL-qasaam oo talaadadii la soo dhaafay bixisay macluumaadkani, ayaa sheegtay in intii lagu gudo jiray dagaalkii Ghaza ee 2014, ay sameeyeey seddex nooc oo diyaaradaha Darooniska ah.
Sidoo Kale Aqri..Xamaas Oo Horumarisay Diyaarado Drones Casri ah
-Diyaaradda (A1A)- oo aheyd nooc wax basaasta
-Diyaaradda (A1B) oo nooc weerarka iyo duqeynta loogu talagalay
-Diyaaradda(A1C)-oo ah nooc ah diyraadaha is qarxiya ee weerarka ah
Kooxda al-qasaam ayaa sidoo kale cadeeyey in hal diyaarad ay ku waayeen sahankii koowaad, sidoo kalane mid kale ayey ku waayeen sahankii seddexaad.
Al-qasaam ayaa tilmaamay in dyaaradaha darooniska kadiska ah ay jahwareer ku rideen Israa’iil intii lagu gudo jiray dagaalkii Ghaza ee 2014.