2-dii maalmood ugu dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayey dagaalo culus oo u dhaxeeeyey ciidamo ka wada tirsan ciidamada ammaanka Puntland ee loo gaabiyo PSF.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Ciidanka dagaalamay oo dhammaantood ka wada tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa kala taabacsan agaasimaha ciidanka iyo madaxweynaha Puntland oo isku khilaafay cidda noqoneysa hogaanka ciidanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalada dhacay 2-dii maalin ee ugu dambeysay ay sababeen dhimashada dad ku dhaw 20 qof halka tobanaan kalane loo dhigay isbitaalada dhaawacyo ka soo gaaray rasaasta culus ee la isku weydaarsaday magaalada dhaxdeeda.
Dhanka kale dad shacab ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka Bosaaso, waxaana wararku sheegayaan in dadka dhintay ay ahaayeen barakacayaal ka soo qaxay dagaalka Boosaaso.
Maxaa Ka Socda Boosaas Oo Kooban (100 eray) : Dagaalka Boosaaso ka socda waxaa uu salka ku haayaa xil ka qaadis uu Saciid Deni ku sameeyey hogaanka ciidanka ammaanka Puntland ee loo yaqaan (PSF) Bishii tagtay ee Nofeembar arintaasi oo sababtay in ciidanka qaarkooda ay ka biyo diidaan. Isku dayo ay odayaasha deegaanka ku doonayeen in xiisadda la qaboojiyo ayaa ku soo dhammaaday fashil. ciidan taabacsan Saciid Deni ayaa weerar ku qaaday xarumo ay daganaayeen ciidanka gadoodsan maalinkii talaadada ee 21-ka Diseembar taasi oo keentay dagaalo culus oo magaalada ka qarxa. Isimada Puntland ayaa baaqii ugu dambeeyey ee soo saareen ku dalbaday in wada hadal lagu Dhammeeyo khilaafka taagan.
Intii uu xil haayey Saciid Deni, waxaa Puntland ka dhacay isku hor imaadyo siyaasadeed oo dhiig ku daatay, waxaana isku dhacyada ka mid ahaa iska horimaadkii Baarlamaanka ee dhacay Noofeembar 2019-kii.
Dagaalka ka socda Bosaaso ah kii ugu weynaa ee noociisa oo Puntland ka dhaca ayaa xujo siyaasadeed oo horleh ku noqon doono mustaqbalka siyaasadeed ee Saciid Deni oo dadka Puntland ay ku eedeeynayaan in uu faraha u geliyey dagaal laga baaqsan karay.