Faa’idooyin Aadan Maleysan Karin Oo Ay Leedahay Xabad Sowdada

-

inteena badan waxa aan maqalnay xadiithkii Rasuulka SCW ee ahaa “Xabad sowdada waxa ay daawo u tahay cudur walbo, marka laga reebo geerida”.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Xabad Sowdada oo sidoo kale loo yaqaan “Xabada barakada” waxaa la sheegaa in laga dhax helay qabrigii Fircoonkii Masar e geeriyooday Tutankhamun kaasi oo aasan 3,300 oo sano, taasi oo daliil cad u ah sida xabada barakeysan ay uga qeyb qaadatay xadaaradihii ban’aadamka.

Maqaalkani ka soo socdo waxa aad ku arki doontaa sida culimada iyo dhaqaatiirta dunida ee maanta ay u xaqiijiyeen waxtarka xabadani madow.

Xabad Sowdada Maxey ka tari kartaa Caafimaadkaada?

Ilaa maanta , waxa ay dhaqaatiirta iyo bahda caafimaadka sameeyeen ilaa 700 oo daraasad oo dhamaantood xoojinaya sida xabad sowdada muhiim ugu tahay caafimaadkeena.

Daraasadda koowaad waxaa ka qeyb qaatay lixdan qof, natiijudana waxa ay noqotay in saliida xabad sowdada ay wax badan ka tartay xasaasiyadda sanboorka, dadkii ka qeyb galay daraasadda ayaa isku raacay in ay dareemeen isbadal xoog leh ka dib 2 todobaad oo ay isticmaaleen Xabadda barakada.

Sidoo Kale Aqriso: Yaa-ku-fiican-cabitaanka-biyaha-kulal-mise-biyaha-qabow?

Hadii 2 Garaam oo xabad sowda ah loo isticmaalo si maalinle ah waxa ay hoos u dhigeysaa sokorta dhiiga, gaar aahan dadka qaba sokorta nooca labaad, sidaasi waxaa lagu sheegay natiijada daraasad lagu sameeyey 94 bukaan oo cudurka qaba.

Xabad sowdada oo aan isticmaalno muddo 9 todobaad ah, waxa ay ka qeyb qaadan kartaa in ay soo hagaajiso xasuusteena iyo heerka baraarugsanaanteena.

Arinta cajiibka ah waxa ay tahay in xabad sowdada ay daawo u noqon karta dadka ka cabanaya “Qabatinka daawooyinka(drug addiction), 35 qof oo ka cabanaayey qabatinka daawada ayaa xabad sowdada waxa ay ka caawisay in ay iska jaraan caadooyinka qabatinka.

Tusaalayaashan iyo kuwa kale ayaa fariin u diraya dadka aaminsan ee dhaha xabad soodada waa uun “daawo dhaqmeed”, waxaana la joogaa watigii dadka noocaasi dib ugu laaban lahaayeen fikirkooda.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...