Jamciyadda Jarmalka u qaabilsan “raashiinka” waxa ay xaqiijinayaan in saliid saytuunka uu ahmiyad weyn u leedahay caafimaadka, waxa ay ka hortagtaa wadna xanuunka, waxa ayna naga caawisaa miisaan dhimista.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Jamciyadda ayaa sheegtay in saliidda ay qani ku tahay monounsaturated fatty acids (Aashato dufinley aan dharganeen) taasi oo hoos uu dhigeysa heerka Kalastaroolka jirka.
Si la mid ah saliidani ayaa qani ku ah maadama Oolyirobiin (Oleuropein ), maadadaas oo leh lidka sunta jirka, sidoo kalane waxa ay ka hortagtaa xanuunada wadnaha.
sidoo Kale Aqri: Faa’idooyin Aadan Maleysan Karin Oo Liintu Ay Leedahay
Ogow dufinta aan dharagsaneyn waxa ay aad ugu fiican tahay caafimaadka waana muhiim qofka in uu ka qaato qadar badan madaama ay hoos u dhigeysa Kolestaroolka jirka dhiba.
Wadnaha
Saliid saytuunku waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dufinka ugu fiican xagga caafimaad ee dhulka laga heli karo, wana cusur muhiim ah oo naga difaaca cudurada wadnaha iyo halbowlayaasha.
Daraasadaha qaar waxa ay tilmaamayaan in saliid saytuunka ay door muhiim ah ka ciyaarto ka hortagga kansarka ku dhaca mandhaciir weynaha iyo kansarka ku dhaca naasaha.
Inkastoo daraasadaha ugu badan iyo baaritaanada ay faa’ido ku sheegeen saliid saytuunka, dhanka kale miraha saytuunka isaga laftiisa waxa uu leeyahay faa’idooyin caafimaad.