Facebook “10 daqiiqo ka badan hadii aad isticmaasha facebook waxaad Halis ugu jirta C….

La Wadaag Asxaabtaada

Mas,uul sare oo ka tirsan shirkadda facebook ayaa qiray in qofka isticmaala wax ka badan 10 daqiiqo page-ka facebook uu la kulmi doono caafimaad darro iyo raad xun.

Warbixin uu qoray Wargeyska «Telegraph» islamrkaana ay idin soo tarjumeyso shabakadda baahisa wararka qarsoon iyo tiknoolajiyadda ee xaqiiqonews ayaa waxaa uu wargeysku ku sheegay Warbixintiisa in Qirashadani uu sameeyey ninka lagu magacaabo David Ginsberg oo facebook u qaabilsan daraasadaha iyo baaritnaada, isagoo qiray caafimaad darrada isticmaalka ka badan 10 daqiiqo maalin kasta ah.

Wargeyska ayaa sheegay in hadalka David Ginsberg uu ku soo aadayo maalmo ka dib markii lagu daabacay website-ka dhinacyda xun iyo dhinacyada fiican ee isticmaalka facebook, pagekaasi oo ay isticmaalaan malaayiin qof oo dunida ku nool.

David Ginsberg ayaa hadalkiisa ku xoojiyey daraaaad ay sameysay jaamacadda «Michigan» daroaasadaasi oo lagu ogaaday in isticmaalka macno la,aanta ah ee ka badan 10 daqiiqo uu ku sababo isticmaalayaasha dhibaato xun gaar ahaan ardayda.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in hadalkan uu yimid ka dib markii daraasad ay sameeyeen jaamacadaha «San Diego» iyo «Yale» lagu odaagay in dadka qabatimay isticmaalka facebook ay la dhibaateysanyihiin caqli yari iyo daal xagga maskaxda ah marka loo barbardhigo dadka isticmaala waqti aad u kooban.

Cilmi-baarayaasha ayaa ka digay iftiinka buluuga ah ee ay soo saaraan qalabka elektarooniga ah, gaar ahaan taleefannada casriga ah, waxayna sheegeen in ay gacan ka gaysan karaan tayada hurdada oo yaraato habeenkii, gaar ahaan haddii isha ay ku dhacaan a ka hor wakhtiga jiifka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada