“Facebook” ayaa isticmaalaya Tiknoolajiyada Israel .. SIdee Laguu Jaasuusaa Iska Ogow

La Wadaag Asxaabtaada

Agaasimaha Kooxda Sugta Amniga ee “Sudo” ninka lagu magacaabo.Will Straffsch, ayaa soo bandhigay ficilada Facebook ee ku saabsan isticmaalka Aplikashinka Isreal ay  horumarisay ee “”Onavo Protect” oo facebook ku iibsatay 2013-kii in ka badan $ 100 milyan.

Aplikashinkan, ayaa markii hore loo abuuray si loo jaasuuso isticmaalayaasha shabakadda Wi-Fi ee adduunka oo dhan, fikradiisa ugu weyni waxay tahay in laga faa,ideyta  isku xirnaanta qadadka Internetka oo yaalla meel walbo, marka laga soo tago kuwa guryaha yaalla, waxaana arimhaasi oo dhan u suurta gelinya Qalabka Loo yaqaan Ip-ga ee ku xiran Qalabkaada.

Aplikashinkan Cusub wuxuu leeyahay qaabab dhowr ah, taas oo awood u leh in ay soo ururiyaan macluumaadka ku saabsan telefanada gacanta, xitaa waxaa laga  ogaanayaa  waqtiga aad  Gashay  shabakadda,  sidoo kale  waxa lagu ogaanayan Aplikashinkan,Marka aad shaashadaada xirta iyo marka aad furtaba.

Straffsch wuxuu sheegay in Aplikashinka ku shaqeeyo wakhtiyada Qofka uu taleefonkiisa ka kacsanyahay Facebook iyo sidoo kale waqtiyada Xitaa uu facebook shidneen,wuxuuna si qarsoodi ah u dirayaa dhammaan macluumaadka kugu saabsan adiga isagoo u diraya facebook.

Ugu dambeyntii Starbatch wuxuu muujiyay sida uu ula yaabay suurtagalnimada inuu ‘Facebook’ uu helo macluumaadkan shakhsi ahaaneed.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada