Shabakadda ALjazeera oo soo xiganeysay ila wareedyo falastiiniyiin ah ayaa sheegtay in Facebook uu qeyb weyn ka qaatay Gumeysiga Israel ee falastiinyiinta.
qaabkani cusub ayaa beegsanaya in la jaro oo facebook laga tirtiro accoun-da ay leeyihiin falastiiniyiinta.
Shabakadda qusud Al-ikhbaariyah, ayaa Muuqaal ay twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in ay qabatay 29 kiis accounts leeyihiin dad falastiiniyiin ah oo la jaray, labadii maalin ee u danbeysay.
Waxaa kordhay tirada akoonada facebook ee la xayiray, waxaana arintaasi ugu wacan baahinta muuqaalka Dilkii Ahmed Nsri Jarar.
page-ka ugu shacbiyada badnaa ee la xayiray waxa uu ahaa “فلسطين27”, oo caan ku aheyd baahinta howlaha iska caabinta falastiiniyiinta, waxaa kale oo la xayiray “عشيرة آل جرار” “مجلة إشراقات”، وصفحة “خانيونس الآن”.